Ciidamada guutada qaraxyada mujaahidiinta waxay galabta weerar la eegteen kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan Kufaarta Afrikaanta, kuwaas oo ku socdaalayay inta u dhaxaysa deegaanada Danow iyo Golweyn .
Howlgalka qaraxa ah ayaa si gaar ah u haleelay gaari ciidan lug ah oo ka horreeyay gawaarida ay wateen ciidamada kuffaarta Yugaandha oo ka mid ah isbahaysiga saliibiga ah ee ATMIS la magac baxay.
Inta la xaqiijiyay waxaa howlgalkan barakaysan ee qaraxa ah lagu dilay laba sarkaal oo oo miina-baareyaal ah oo ka tirsanaa kuffaarta Afrikaanta, kolonyada la qarxiyay ayaana ku hakatay goobta qaraxa lagula beegsaday, muddo shan maalmood ah ayay kolonyadan saliibiyiinta ah ee ka tirsan isbahaysiga ATMIS ku socdaalayaan waddada udhaxaysa Muqdisho iyo Buula-mareer, waxayna muddadaasi la kulmeen weeraro kala duwan oo khasaare xoogan lagu gaarsiiyay.