Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan dowlada Ridada Federaalka.
Sarkaalkan waxey ragga hubeysan ka toogteen qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in sarkaalka isla goobta ku dhinta,iyadoona raggii dilka geystay si nabad ah goobta ay kaga dhaqaaqeen.
Sarkaalkan lagu dilay gudaha degmada Hodan waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Muxamed Cali isagoona ka tirsan saraakiisha Booliska dowlada Ridada,sidoo kale waxa uu ka mid ahaa xubnihii wax kasoo dhisay xildhibaanadii lagu soo doortay degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud.
Mas,uuliyadda dilka sarkaalkan waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ugaarsi xoogan ku heysa saraakiisha dowlada Farmaajo iyo kuwa shisheeyaha soo duulay.
Muuse Malaay.
Calamda Online.
Mogadishu, Somalia.