Wararka ka imaanaya deegaanka Gobweyn ee duleedka magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in gudaha deegaankaasi qarax culus lagula beegsaday xubno ka tirsan maamulka gaala raaca Axmed Madoobe ee fadhiguusu yahay magaalada Kismaayo.
Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa lagu aasay goob ay fadhiyeen saraakiil iyo maleeshiyaat ka tirsan maamulka gaala raaca Axmed Madoobe.
Inta la xaqiijiyay qaraxaasi waxaa ku dhintay sarkaal ciidan iyo labo askari’sidoo kale waxaa ku dhaawacmay sideed askari oo qaar kood dhaawacyadooda culusyihiin kuwaasi oo loola cararay isbitaalka magaalada Kismaayo.
Deegaanka Goobweyn waxa uu 13KM dhanka Bari kaga beegnyahay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose.
Mas’uuliyadda qaraxan waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo weeraro culus la beegsata Kufaarta Afrikaanta iyo xubnaha Soomaalida ah ee shisheeyaha la shaqeeya.
Calamada.com