Ciidamada mujaahidiinta ee ka jihaada wilaayada Mudug ee dhacda bartamaha Soomaaliya, ayaa maanta howlgal culus oo qarax ah la beegsaday maleeshiyaad murtadiin ah, waxaana qaraxan uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo “Qosoltire” oo dhaca inta u dhaxeeysa deegaanka Ceelhuur iyo magaalada Xarardheere.
Qaraxa ayaa si gaar ah u haleelay maleeshiyaad murtadiin ah oo lugeynayay, waxaana qaraxaasi inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay 13-askari oo murtadiin ah oo uu ku jiray sarkaal ka tirsan maleeshiyaadka Riddada, waxaana dhamaan xubnahaasi murtadiinta ah la xaqiijiyay in dhaawacyadoodu yihiin kuwa garaab ah.
Dhanka Baay, waxat ciidamada mujaahidiintu howlgal qorsheysan oo qarax ah la beegsadeen isbaaro maleeshiyaadka Riddada u tiilay xaafadda “Boonkaay” ee magaalada Baydhaba ee xarun goboleedka Baay, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay sarkaal murtad ah, kaasi oo lagu magacaabo Xasan Nuurow Mad Cismaan (Kashiito) oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Riddada Koonfur-galbeed.