Howlgalka lagu beegsaday Sarkaalkan iyo askarta lasocotay waxa uu ka dhacay qeybo ka mid ah Degmada Yaaqshid ee Magaalada Muqdisho.
Sarkaalka ay dileen ciidamada Mujaahidiinta ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Nuux waxaa uu ka tirsanaa Maleeshiyadka Ashahaado ladirirka kooxda Ridada Somalia, iyadoo sidoo kale lala dilay askari ka tisranaa ilaalada Madaxtooyada kuwooda loogu yeero Koofi Casta.
Weeraradan qorsheysan ee lagu khaarijiyay xubnaha ka tirsanaa Murtadiinta waxey si gaar ah kaga dhaceen nawaaxiga Hoteel Lafweyn degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, in mudo ah oo baqtigooda uu yiilay halkiii lagu dilay ayaa goor dambe waxaa halkaasi ka qaaday maleeshiyaatka Ashahado ladirirka ah.
Magaalada Muqdisho waxaa kusii xoogeysanaya howlgallada nowciga ah ee madaxyada looga gurayo saraakiisha iyo maleeshiyaad kooxda ridada.
Hawgalladaan oo ay fuliyaan katiibada Maxamad Ibn Maslama ee ka tirsan jihaazka Amniga ee Mujaahidiinta ayaa wadna qabad ku ah xubnaha katirsan cadawga.
Afartan Iyo Sideedii Saac ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda waxaa kadhacay howlgallo kala duwan, waxaana kamid ahaa qarax maleeshiyaadka murtadiinta lagula beegsaday isku imaatin ay kaga sugnaayeen xaafada Suuqa Xoolaha iyo weerar qarax ah oo lagu khaarijiyay sarkaal ka tirsanaa Murtadiinta gaar ahaan kuwooda loogu yeero Asluubta.
Xigasho Radio Andalus.
Calamada.com