Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar isugu jiray qaraxyo iyo dilal oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Maanta gelinkii dambe ayay xoogag hubaysan degmada Yaaqshiid ku dileen taliyihii hore ee Laanta Suuqbacaad, ilo wareedyo ayaa sheegaya in rag hubaysan ay madaxa ka toogteen Axmed gacameey oo ahaa taliyihii hore ee ciidamada laanta Suuq Bacaad.
Qaraxyo kale oo ka kala dhacay xaafadaha Blac Sea iyo Saybinaayo ayaa khasaara lagu gaarsiiyay ciidamo katirsan booliska dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhinaca kale waxaa qaarx culus deegaanka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho lagula beegsaday Gaashaanlle Khaliif oo katirsanaa ciidamada dowladda, qaraxa waxaa lagu dilay askari ilaala u ahaa sarkaalka halka dhaawac uu soo gaaray askari kale.