Xogo faahfaahsan ayaa kasoo baxaya weerar culus oo xoogagga wax iska caabinta ee reer Falastiin shalay ka fuliyeen waqooyiga Gaza, halkaas oo lagu dilay sarkaal iyo askar sahaayino ah.
Weerarka oo ahaa mid qaraxyo ah oo ay fuliyeen rag ka tirsan wax iska caabinta ayaa beegsaday ciidamo sahyuuniyiin ah oo ku sugnaa waqooyiga Marinka Gaza, waxaanay halkaasi ku dileen sarkaal iyo laba askari.
Xoogagga wax iska caabintu waxay sheegeen in weerarkan dhabbagalka ah uu Isniintii si gaar ah kaga dhacay meel u dhow mandiqadda waxbarashada, ee bariga Bayt Laahiya ee waqooyiga Gaza, dhisme ay xoog ku galeen ciidan ka tirsan Yahuudda oo ay qaraxyo kusii diyaariyeen xoogagga wax iska caabinta ayay ciidanka gumeystuhu ku noqdeen dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa koowaad markii uu dhacay kaddib waxaa muuqaallo la helay ay muujinayeen in goobta ay ka baxsadeen ilaa 10 askari, qarax labaad oo ay xooggaga wax iska caabintu fuliyeen ayaa beegsaday 7 ka mid ah 10-ka askari ee goobta ka baxsatay, qaraxa labaad ayaa ka dhacay bannaanka dhismaha lagu qarxiyay ciidanka Yahuudda.
Muqaawamada ayaa muuqaalka ay faafiyeen sidoo kale kusoo bandhigay sawirrada ilaa 3 askari oo howlgalkaasi lagu dilay, Yahuudduna xaqiijisay dilkooda, waxayna muqaawamadu warbixintooda ku sheegeen in khasaaruhu yahay mdi ay aad u qarisay Yahuudda.