Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ku dileen sarkaal iyo askari ka tirsan dowlada Ridada kuwaasi oo faahfaahino ay kasoo baxayaan dilalkooda.
Dilka kowaad oo loo geystay sarkaalad ka tirsan dowlada Farmaajo waxa uu ka dhacay Beerta Jaadka ee degmada Wajadir waxaa halkaasi lagu dilay Hal xidigle Kaaho Jaamac oo aheed sarkaal ka tirsan booliska dowlada Ridada.
Dilka Labaad waxa uu ka dhacay xaafada Suuqa xoolaha ee degmada Hurwaa waxaana halkaasi lagu dilay askari magaciisa lagu soo gaabiyay Jordan kaasi oo ragga dilay ay ka toogteen qeybaha sare ee jirka.
Mas,uuliyadda dilalkan qorsheysan waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ugaarsi xoogan ku heysa saraakiisha iyo askarta dowlada Ridada iyo kuwa Kufaarta Afrikaanta.
Calamada.com