Howlgallo gaar oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ay ka fuliyeen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir waxay siyaabo kala duwan madaxyada uga gureen askari iyo sarkaal ka tirsanaa maleeshiyaadka dowladda federaalka.
Howlgalladan oo ahaa kuwa is xig-xigay waxay ciidanka Mujaahidiinta gaar ahaan guutada gaarka ah ee Maxamed Ibnu Maslamah ka kala fuliyeen degmooyinka Dharkeynleey iyo Hodan. howlgalka koowaad waxa uu ka dhacay agagaarka saldhigga galbeed ee degmada Dharkeynleey waxaanay ku dileen sarkaal sare oo ka titsanaa ciidamada kooxda Farmaajo.
Ciidamada jihaazka amniga Mujaahidiintu waxay howlgalkan fariidka ah ku dileen sarkaal darajadiisu ciidan lagu 2 xidigle ka tirsanaa saraakiisha sar sare ee ciidamada dowladda kaas oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Bariise Gaabow.
Howlgalka labaad waxay ciidamada xarakada shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen xaafadda Seybiyaano oo ka mid ah xaafadaha degmada Hodan waxayna howlgalkan si gaar ah ugu beegsadeen askari murtad ah oo ka tirsanaa maleeshiyaadka dowaldda federaalka ah.
Askariga howlgalka lagu khaarajiyay waxaa lagu magacaabi jiray Qoobey ilo xog-ogaal ah waxay xaqiijiyeen in ciidamada Mujaahidiintu dilka ka dib ay askarigaasi murtadka ah kasoo ghaniimeysteen qorigii uu ku hubeysnaa.
Howlladan waxay qayb ka yihiin silsilado howlgallo ah oo ciidamada xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ay toddobaadkan gudihiisa siyaabo kala duwan ugu beegsadeen askari ka tirsanaa ciidamada dowladda iyo saraakiisha ciidamada kuwaas oo siyaabo kala duwan uga dhacay degmooyinka wilaayada Banaadir.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com