Ciidamada Xarakada Alshabaab ayaa weerar qorsheysan ku dilay Sarkaal iyo askari ka tirsan dowlada Farmaajo,iyadoo faahfaahin laga helayo dilalkaan.
Howlgaladan dilalka ah ayaa ka wada dhacay agagaarka Isgoyska Bakaaraha degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho,waxeyna ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Toogasho ku dileen Sarkaal iyo askari ka tirsan dowlada Ridada.
Dilalkan ayaa kusoo aadaya xilli Barqo nimadii maanta Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Camaliyad Istish-haadiyo ah ku burburisay dhismaha xaruntii maamulka dowlada ee degmada Holwadaag,waxaa Camaliyaddaasi dhimasho iyo dhaawac ku noqday Mas’uuliyiin,Saraakiil iyo askar ka tirsan dowlada Ridada.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.