Howlgal gaar ah oo ciidanka Shabaabul Mujaahidiin saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen gudaha magaalada Jowhar ee xarunta u ah Sh/dhexe, ayaa lagu dilay Abuukar Cusmaan Nuur oo ahaa sarkaal ciidan oo ka tirsanaa Booliska Riddada, kaasi oo darajadiisu ahayd hal xidigle.
Dhanka Hiiraan, howlgal qorsheysan oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen bariga magaalada Baladweyne ayaa lagu khaarajiyay askari murtad ah oo ka tirsaan sirdoonka Riddada, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Dheere, waxaana laga soo qaniimeystay qori uu sitay.
Dhanka Banaadir, Qaraxyo laba ah ayay ciidamada mujaahidiinta ka fuliyeen Tabeellaha Sheekh Ibraahim ee duleedla Muqdisho, kuwaas oo lala beegsaday maleeshiyaad murtadiin ah, waxaa ku dhintay qaraxyadaasi ku dhintay hal askari, waxaana ku dhaawacmay 4 kale.
Dhanka Sh/hoose, howlgal qarax ah oo ciidamada mujaahidiinta ay ka fuliyeen gudaha degmada Afgooye ayaa lala beegsaday maleeshiyaad murtadiin ah, 2 askari ayaana ku dhaawacantay.
Dhanka Jubbada hoose, howlgal qarax ah oo ciidanka mujaahidiinta ka fuliyeen gudaha degmada Dhoobley ayaa lala eegtay Nasaaro Kenyan ah oo Kirishtanka faafinayey, waxaana qaraxaasi lagu dilay hal gaal oo Kenyaan ah, halka 5 kalana ku dhaawacmeen.
Dhanka kale, waxay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin weeraro culus ku mireen saldhigyada maleeshiyaadka murtadiinta iyo kuwa Riddada kaga suganyihiin Suuqa xoolaha ee degmada Qansaxdheere ee Baay, xerada Riddada ee deegaanka Baarsanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo ee Jubbada hoose, saldhigga murtadiinta ee degmada Xudur ee Bakool, xeryaha ciidan ee Kuffaarta Uganda ee degmada Qoryooley iyo deegaanka Danow ee Sh/hoose, saldhiga Ridada ee Buundada degmada Awdheegle iyo saldhigyada murtadiinta ee xaafadaha Mukeyga iyo Haanta dheer ee degmada Afgooye.