Howlgallo qorsheysan oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin siyaabo kala duwan uga fuliyeen Muqdisho iyo degmada Bardaale waxay ku dileen guddoomiye deegaan iyo sarkaal ka tirsanaa maamulka ashahaaada la dirirka ah ee isku magacaabay Koonfur galbeed.
Howlgalka ugu horreeya oo ahaa mid iqtiyaal ah ayaa ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. waxayna mujaahidiintu ku dileen murtad ashahaada la dirir ah oo lagu magacaabji jiray Cabdiqaadir Aadan Maya kaas oo ka mid ahaa sirdoonka maamulka Riddada ah ee Koonfur Galbeed.
Cabdiqaadir ayaa sidoo kale murtadiinta ugu magacownaa guddoomiyaha deegaanka Marya-gubaay oo ah deegaan ka Sh/hoose. isagoo degmada Baraawe ka waday abaabul degmadaas loogu samaynayo maleeshiyaadka loogu yeero Macawiisleyda Riddada, ilo wareedyo masuul ah ayaa xaqiijiyay in murtadkan u maalmo ka hor diyaarad kasoo raacay degmada Baraawe taas oo kasoo dajisay Muqdisho balse ciidamada jihaazka amniga ee mujaahidiinta oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqiisa ayaa Allaah fadligii ka hor tagay shartii uu maleegayay murtadkan.
Howlgalka labaad waxay mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha degmada Berdaale ee wilaayada Baay howlgalkan ayaana lagu dilay Diyaar Cabdiraxmaan oo ahaa taliyihii hore ee saldhigga degmadaasi Berdaale.