Wararka ka imaanaya waddanka Kenya ayaa sheegaya in mid ka mid ah saraakiisha ciidamada booliska ee dowladda Kenya uu isku dilay qorigii uu ku hubeysnaa, kaddib markii ay lasoo gudboonaadeen xaalado dhaqaale xumo, sida ay sheegeen saraakiisha booliska.
Simon Gitonga oo ahaa sarkaalka gacantiisa isku dilay ayaa lasoo wariyay in maydkiisa laga dhex helay xafiiskiisa oo kuyaal gudaha saldhigga booliiska Ngusishi, magaalada Timau ee dhacda ismaamulka Meru, halkaas oo sidoo kale laga helay qoriga uu isku khaarajiyay oo ahaa nooca AK47, sida laga soo xigtay warbixinta booliska.
Saraakiisha ka howlgasha saldhigga booliska waxay sheegeen inay heleen warqad loo badinayo inuu qoray sarkaalka, ka hor inta uusan is dilin ay muujinayso in uu isku khaarajiyay arrimo la xiriira dhaqaale xumo iyo xaalado kale oo lasoo gudboonaaday.