Rag hubeysan waxey saacadihii lasoo dhaafay deegaan ka tirsan gobalka Shabeelada dhexe ku dileen sarkaal ka tirsan maamulka Murtadiinta ugu magacaaban gobalkaasi.
Sarkaalkan la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Aweys kaasi oo ahaa gudoomiyaha dowlada Farmaajo ugu magacaaban deegaanka Shaan oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka degmada Mahadaay.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in howlgalka lagu dilay sarkaalkan ay fuliyeen ciidamo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Saraakiil iyo askar ka kala tirsan ciidamada Kufaarta Burundi iyo maleeshiyaatka dowlada ayaa lagu dilay qaraxyo iyo kamiino dhowr jeer ciidamada Shabaabul Mujaahdiin ka fuliyeen duleedka degmada Mahadaay.
Calamada.com