Wararka ka imaanaya degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelada dhexe waxey sheegayaan in sarkaal ka tirsan dowladda Ridada uu gudaha degmadaasi ku dilay Xaaskiisa.
Maareeyaha Garoonka diyaaradaha Degmada Jowhar ayaa gurigiisa oo ku yaala Xaafadda Hanti Wadaag oo ka tirsan Jowhar ku dilay Xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Jamiila Sheekh Cali Ibraahim iyadoo arintaan si aad ah looga hadlaya degmada Jowhar.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Sarkaalka ka tirsan dowladda iyo Xaaskiisa ay wada murmeen kadibna sarkaalka uu lasoo baxay Biskoolad dhowr xabadoodna uu ku dhuftay xaaskiisa taasi oo isla goobta ku geeriyootay.
Saraakiisha iyo askarta dowladda Federaalka ayaa caan ku ah dilalka ay u geysanayaan dadka shacabka balse sida hadda muuqata Saraakiisha iyo askarta dowladda Farmaajo waxey bilaabeen iney xaasaskooda dilaan.
Calamada.com