Khasaare kala duwan oo isugu mid nafeed iyo mid maaliyadeed ayaa ka dhashay shil gaari oo uu galay sarkaal ka tirsanaa kooxda Riddada Soomaaliya, kaasi oo ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Galgaduud ee dhaca bartamaha Soomaaliya.
Shilkan gaari oo si gaar ah kaga dhacay inta u dhaxayso deegaanada Miirjiicleey iyo Huurshe ayaa waxaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay sarkaal ashahaada la dirir ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Dhaansuge.
Sarkaalkan murtadka ah ayaa marka hor lasoo wariyay in uu dhaawac daran kasoo gaaray shilka, kaasi oo ugu dambayn keenay in uu u dhinto, waana mid ka mid ah shilalka gaadiidka ee ay ku dhintaan saraakiisha iyo maleeshiyada kooxda Riddada Soomaaliya.