Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa howlgal gaar ah ka fuliyay gudaha deegaanka Qooqaani oo ka mid ah deegaanada ciidamada Saliibiyiinta Kenya iyo kuwa Murtadiinta duulaanka kaga suganyihiin gobalka Jubbada Hoose.
Mujaahidiinta ayaa weerar gaar ah ku qaaday guri uu deegaankaas ka daganaa murtad lagu magacaabo cali shariif kasoo ka tirsan saraakiisha maleeshiyaadka murtadiinta maamulka asha haado la diriirka ah ee isku magacaabay jubaland.
Sarkaalka murtadka ah ayaa isagoo dhaawac qaba waxaa uu ka baxsaday gurigii lagu weeraray. Waxaana ay Mujaahidiina halkaas kasoo qaniimaysteen laba qori oo AK-47 ah iyo laba boosh.
Weerarkan sida gaarka looga fuliyay deegaanka qooqaani ayaa walwal iy cabsi ku abuuray saraakiisha iyo maleeshiyaatka ridada ah ee deegaankaas kula sugan saliibiyiinta Kenya ee duullaanka Saliibiga ah kujooga qaybo kamid ah Wilaayada Jobooyinka