Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxey sheegayaan in gudaha magaaladaasi lagu weeraray sarkaal ka tirsan maamulka gaala raaca Puntland.
Weerarka oo loo adeegsaday qarax ayaa lala beegsaday gudoomiye ku xigeenka maamulka gaala raaca Puntland ugu magacaaban magaalada Gaalkacyo.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Faarax Gaafaa ayaa la xaqiijiyay inuu dhaawacmay kaasi oo dhaawiciisa goobta ay ka qaadeen maleeshiyaatka maamulka dowlada Itoobiya ay dhisatay ee Puntland.
Weerarkan lagu dhaawacay gudoomiye ku xigeenka magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland waxaa sheegtay Xarakada Shababul Mujaahidiin.
Calamada.com