Qarax ayaa ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso kaasi oo faahfaahin laga helayo khasaaraha ka dhashay.
Qaraxan waxaa lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Puntland kaasi oo lagu magacaabi jiray Asad, Waxa uu sidoo kale sarkaalkan si aad ah ula shaqeynayay sirdoonka dowladda Saliibiyadda Mareykanka.
Dhanka kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey dagaal culus ku qaadeen saldhiga ciidamada Kufaarta Afrikanta ay ka sameysteen degmada Baraawe ee Wilaayada Shabeelada hoose.
Dagaalkan ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaana jirta khasaara naf iyo maal ah oo askarta Kufaarta Uganda lagu gaarsiiyay dagaalkaas.
Dhinaca kale weerar dhabagal ah oo ka dhacay wadada xiriirisa degmada Awdheegle iyo deegaanka Bariire ayaa sababay dhimashada Labo askari oo Murtadiin ah iyo dhaawac soo gaaray askari kale, Waxeyna ciidamada Mujaahidiinta horay usoo ganiimeysteen Mooto iyo Hub ay wateen askarta Ridada ee kamiinkan loo dhigay.