Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ku dileen sarkaal ka tirsan dowlada Ridada,iyadoona faahfaahin laga helayo dilkaasi.
Ragga hubeysan ayaa sarkaalkan ka toogtay qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in sarkaalka isla goobta ku geeriyooda,waxa uu sarkaalkan sigaar ah kaga tirsanaay Milatariga dowlada Farmaajo.
Ragga weerarka dilka ah geystay ayaa sidoo kale horay usii qaatay Gaari iyo Biskoolad uu watay Sarkaalka ay dileen ee ka tirsan Milatariga Dowlada Ridada,waxaa Mas’uuliyadda Dilkan Sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.
Dilkan waxa uu kusoo aadayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Mujaahdiinta ay howlgal dilal ah oo ay ka fuliyeen gudaha degmada Hodan ee Muqdisho ay ku dileen Labo sarkaal oo ka kala tirsanaay Wazaaradaha Arimaha Dibadda iyo midda qorsheynta ee dowlada Federaalka.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.