Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ku dileen sarkaal ka tirsanaay dowlada Ridada Farmaajo.
Ragga hubeysan ayaa sarkaalkan oo ka mid ahaa saraakiisha dhanka maleeshiyaatka dowlada ka toogtay qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in sarkaalka isla goobta ku quur baxo.
Dilka sarkaalkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay agagaarka Tabeelaha Sheekh Ibraahim oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan dhanka wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.
Dilkan sarkaalkan waxa uu kusoo aadaya xilli ciidamada Shabaabul Mujaahidiin saacadihii lasoo dhaafay gudaha degmada Hurwaa ee magaalada Muqdisho ay ku dileen Shaafici oo ahaa madaxii Canshuuraha maamulka Ridada ugu magacaaban degmada Hurwaa.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho, Somalia.