Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay weerar qorshaysan oo ka dhacay deegaanka dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Rag hubeysan ayaa deegaanka Macaane ee duleedka Muqdisho ku dilay sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada Booliska dowladda Federaalka Soomaalida sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka oo warbaahinta maxalliga ah la hadlay.
Ragga weerarka geystay ayaa horay usii qaatay gaari nuuca raaxada ah yo Qori AK47 ah oo uu watay sarkaalka ladilay, warar soo baxay waxay sheegayaan in sarkaalka Meydkiisa laga tuuray gaarigiisa kadibna ay kooxihii falka geystay ula dhaqaaqeen meel aan la aqoonin.
Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay Mas’uuliyadda weerarkii galabta ka dhacay deegaanka Macaane “Ciidamada Mujaahidiinta ayaa deegaanka Taree dishe ku dilay sarkaal katirsan Booliska Murtadiinta waxayna ka qaniimeysteen gaari uu watay iyo qori AK47 ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Mujaahidiinta Al Shabaab.