Ciidamada guutada qaraxyada mujaahidiintu waxay howlgal culus oo qarax ah la beegsadeen maleeshiyaad ka tirsan murtadiinta oo ku socdaalayay deegaanka Baraag Caamir ee dhaca duleedka degmada Galcad ee Galgaduud, halkaas oo khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay murtadiinta.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi Allaah fadligiis maleeshiyaadka murtadiinta looga dilay sarkaal miina baar ahaa oo qayb ka ahaa maleeshiyaadka lagu qarxiyay duleedka Galcad, howlgalkan qaraxa ah ayaana qayb ka ah howlgallada ka dhanka ah murtadiinta ee ka socda Galgaduud.
Dhanka gobolka Laamu ee ka mid ah dhulalka muslimiinta ee ay Kenya gumaysato waxay ciidamada mujaahidiintu gabi ahaan burburiyeen oo ay gubeen tuulo ay daganyihiin dad gaalo Kenyaan ah, taasi oo u dhow magaalada Jihudi ee gobalkaasi Laamuu, waxay sidoo kale mujaahidiintu dab qabadsiiyeen guriyihii dadka gaalada iyo xarun kaniisad oo Kiristaanka Kenya ugu tiilay tuuladan.
Sidoo kale waxay ciidanka mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen saldhig ciidan oo ciidamada KDF-ta Kenya iyo kuwa Booliska ay ku leeyihiin magaalada Bandhanguwa ee gobalka Laamu, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxay mujaahidiintu burburiyeen shirkaddii Safaaricom ee magaaladaas, waxaana goobta soo caga dhigtay diyaarad nooca kuwa qumaatiga u kaca, taasi oo qaaday maydadka iyo dhaawacyada saliibiyiinta Kenya.