Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay weerar saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka degmada Luuq ee gobalka Gedo.
Weerarka oo ahaa mid Dhabbo gal ah waxaa loo dhigay maleeshiyaat ka tirsan Murtadiinta oo kasoo baxay degmada Luuq kuwaasi oo doonayay iney dhac ka geystaan deegaanada hoostaga degmadaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ee kamiinkaasi ayaa sheegaya in xubnihii dowlada Ridada looga dilay weerarkaasi uu ku jiro taliyihii maleeshiyaatka ilaalada ka ah Eleboorka degmada Luuq kaasi oo magaciisa lagu soo gaabiyay Bahluul.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerarkaasi ku qaniimeystay ama ku furtay qori ay wateen maleeshiyaatka dowlada ee kamiinka loogu dhigay duleedka degmadaasi.
Calamada.com