Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in weerar qorshaysan aad uqorshaysan lagu dilay sarkaal sare oo katirsanaa maleeshiyaadka wada shaqeynta laleh ciidamada Xabashida Itoobiya.
Dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe gudaha degmada Beled Xaawo ku dilay sarkaal sare oo katirsanaa maleeshiyaadka dowladda Federaalka ee gacan saarka laleh ciidamada shisheeye.
Ilo wareedyo dhanka amniga ah ayaa xaqiijinaya in xoogaga weerarka qaaday ay dileen sarkaal lagu magacaabi jiray Diini Barre Uboow oo kamida ahaa saraakiisha ugu caansan Gedo.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ragga weerarka fuliyay ay sarkaalka ka furteen hubkii uu watay islamarkaana ay meydkiisa uga dhax tageen halkii ay ku dileen.
Magaalada Beled Xaawo ayaa saaka si aad ah looga hadal hayaa dilka Diini oo galaangal weyn ku lahaa arrimaha ciidamada Beled Xaawo iyo hareeraheeda, gobolka Gedo ayaa kamid ah meelaha uu sida xowlliga ah uga socdo halganka jihaadiga ah ee holcaya Soomaaliya.