Warar dheeraad ah waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Howlgalkan waxey ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ku dileen sarkaal ka tirsanaa dowladda federaalka.
Cali oo ahaa sarkaalka la dilay waxa uu sigaar ah uga tirsanaa qeybta minashiibiyada ee lacagaha baadda ah ka qaada shacabka muqdisho.
Dilka sarkaalkan waxa uu kusoo aadayaa xilli shabaabul mujaahidiin suuq weynaha degmada dharkenley ay ku dileen Kamaal oo ka tirsanaa jawaasiista dharcadka kooxda ridada Soomaaliya.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.