Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ku dileen sarkaal ka tirsan dowlada Ridada,iyadoona faahfaahin laga helayo dilka sarkaalka.
Dilka sarkaalkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay degmada Boondheere waxeyna ragga hubeysan sarkaalka ka toogteen qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay inuu isla goobta ku dhinta.
Sarkaalkan lagu dilay degmada Boondheere waxaa magaciisa lagu soo gaabiyay Cali kaasi oo dadka degmada Boondheere ay xaqiijiyeen inuu ahaa sarkaal si aad ah u dhibi jiray dadka shacabka.
Mas’uuliyadda dilka sarkaalkan Booliska ka tirsan waxaa Mas’uuliyadiisa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab,waxa uu dilkan kusoo aadayaa xilli 48-dii saac ee lasoo dhaafay tiro askar ah oo ka tirsan dowlada Ridada lagu dilay magaalada Muqdisho kuwaasi oo sidoo kale ciidamada Shabaabul Mujaahdiin ay ka qaateen hubkii ay ku hubeysanaayeen askartaasi ay dileen.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.