Howlgal qorsheysan oo ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayay ku dileen murtad ashahaada la dirir ah oo lagu magacaabi jiray, Mukhtaar Maxamed Nuur (Daqare), oo ahaa taliyaha maleeshiyaadka Riddada ee loogu yeero minishiibiyada u qaabisanaa xaafadda Daara-salaam ee magaalada Muqdisho.
Isla Banaadir, howlgal qarax ah ayay ciidamada mujaahidiintu la beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo ku sugan Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, waxaana lasoo wariyay in qaraxaasi khasaare kala duwan uu kasoo gaaray maleeshiyaadka Riddada.
Dhanka Baay, waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus ku mireen saldhigga ciidamada xabashida Itoobiya ee degmada Diinsoor, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, lama helin faahfaahin ku aaddan inta uu la egyahay khasaaraha xabashida nasaarada kasoo gaaray weerarkaasi.
Ciidamada mujaahidiinta ee ka jihaada wilaayada Sh/hoose, waxey weerar abaabulan ku mireen saldhigga maleeshiyaadka Riddada ee deegaanka Arbacow ee ka tirsan ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, deryanka madaafiicda iyo dhawaqa rasaasta kala duwan ee la isku adeegsanayay dagaalkaasi ayaa si wayn looga maqlayay ceelasha biyaha iyo deegaannada ku dhow.