Wararka laga helayo dalka Afghanistan ayaa sheegaya in gudaha magaalada Kaabul ee caasimada dalkaasi lagu dilay sarkaal sare oo in muddo ah jaajuus iyo daba dhilif u ahaa dowlada Nasaarada Mareykanka.
Afhayeenka Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa qoraal kooban ku cadeeyay in ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen gudaha magaalada Kaabul ku dileen Sabuur oo ahaa sarkaal weyn oo jaajuus u ahaa sirdoonka Mareykanka.
Howlgalka lagu dilay sarkaalkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Kaartah oo ka tirsan magaalada Kaabul’iyadoona howlgalkan uu ahaa mid kadis ah.
Dhanka kale guutada madaafiicda ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa tiro madaafiic ah ku garaacay saldhig maleeshiyaatka maamulka daba dhilifka Afghanistan ay ka sameysteen qeybo ka mid ah gobalka Qandahaar.
Saldhiga la duqeeyay ayaa ku yaala degmada Macruuf ee gobalka Qandahaar’waxeyna madaafiicdaasi sababeen dhimashda Shan askari iyo burburka hub kala duwan oo yaalay saldhiga.
Calamada.com