Wararka laga helayo deegaanka Fafaxdhuun ee gobalka Gedo waxey sheegayaan in habeenkii xalay gudaha degmadaasi lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka dolada Ridada ugu magacaaban deegaankaasi.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa gurigiisa ku dilay taliyihii maleeshiyaatka Nabadsugida deegaanka Fafaxdhuun kaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdi Qaadir Iftiin Isxaaq oo ku magacdheeraa Shan Daqiiqo.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sidoo kale horay usoo qaatay Qori uu lahaa sarkaalkaasi,waxeyna Idaacada Andalus baahisay in weerarkaasi ee ciidamada Shabaabul Mujaahdiin ka fuliyeen degmada Fafaxdhuun guul kusoo dhamaaday.
Sarkaalkan ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa sarkaal si aad ah u dhibay shacabka ku dhaqan deegaanka Fafaxdhuun iyo tuulooyinka hoostaga.
Calamada.com