Weerar dhabba gal ah oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobalka Qunduuz ee Waqooyga dalka Afghanistan waxaa lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaay maamulka daba dhilifka fadhigiisu yahay magaalada Kaabul.
Kamiinkan waxaa lagu dilay taliyihii maamulka daba dhilifka dalka Afghanistan ugu magacownaay isku xirka howlaha ciidamada ee guud ahaan gobalada dhaca Waqooyga dalka Afghanistan.
Sarkaalkan la dilay waxaa lagu magacaabi jiray General Cabdul Xayyi Cadhaa’i kaasi oo sidoo kale lala dilay tiro askar ah oo ilaaladiisa ka mid ah.
Dhanka kale qarax ka dhacay deegaanka Jam-kalaa ee gobalka Nangahaar waxaa lagu dilay Lix askari oo American ah Labo kalane waa lagu dhaawacay’iyadoona qaraxaasi loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago.
Weeraradan lagu kala dilay sarkaalka ka tirsanaay maamulka daba dhilifka magaalada Kaabul iyo askarta Nasaarada Mareykanka waxaa mas’uuliyadooda sheegtay Imaarada Islaamiga Afghanistan.
Calamada.com