Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ee Bartamaha dalka Somalia waxey sheegayaan in gudaha magaaladaasi lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Gaala raaca Puntland.
Rag hubeysan waxey Dhanka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ku dileen Gaashaanlle Sare Cabdi Rashiid Xasan Xaashi oo mar soo noqday taliyaha maleeshiyaatka Booliska gobalka Mudug ee dhanka maamulka Ashahaado la dirirka Puntland.
Mas’uuliyadda Dilka sarkaalkan waxaa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab,waxa uu dilkan kusoo aadayaa saacada kadib markii ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ku dhaawaceen Axmed Nuskiilo oo ah sarkaal ka tirsan maamulka Puntland.
Calamada.com