Qarax xoogan ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Ex-controol Afgooye ee magaalada Muqdisho,iyadoo faahfaahin laga helayo khasaaraha qaraxa.
Sarkaal ka tirsan dowlada Ridada gaar ahaan qeybta Waaxda Canshuuraha ayaa lala beegsaday qaraxan kaasi oo la xaqiijiyay inuu si xun u dhaawacmay.
Bootaan Xuseen Cali oo ah Sarkaalka qaraxa lala beegsaday ayaa ka go’ay Lug iyo Gacan,iyadoo xaaladiisa ay aad u liidata ayaa laga qaaday goobta qaraxa lagula beegsaday.
Mas’uuliyadda qaraxan waxaa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab,waxa uu qaraxan kusoo aadayaa xilli maalintii shalay Camaliyad Istish-haadiyo ah lagu burburiyay dhismaha xaruntii maamulka dowlada ee degmada Howlwadaag waxeyna camaliyaddaasi sababtay dhimashada iyo dhaawaca xubno fara badan oo dowlada ka tirsan.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.