Degmada Xamar jajab ee magaalada Muqdisho waxay saaka ciidamo hubeysan oo ka tirsan mujaahidiinta ka howlgala caasimadda ku dileen murtad lagu magacaabi jiray Fiqi Cabdi Mayow oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii iyo madaxii maaliyadda maamulka Riddada ugu magacaaban degmada Awdheegle ee Sh/hoose, kaddib markii ay ku beegsadeen howlgal gaar ah.
Saraakiil ka tirsan ciidamada mujaahidiinta oo la hadlay Andalus waxay inoo sheegeen in murtadkan uu sidoo kale ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa sirdoonka kooxda Riddada Soomaaliya, isagoo si gaar ah ugu qaabilsanaa inuu Jawaasiis ka dhex sameeyo deegaannada shareecada islaamka lagu maamulo ee dhaca wilaayada Sh/hoose.
Dhowaan ayay ahayd markii howlgal gaar ah oo ciidamo ka tirsan mujaahidiinta ka fuliyeen suuqa weyn ee degmada Wadajir ee Muqdisho lagu khaarajiyay askari ka tirsanaa murtadiinta gaar ahaana ka tirsanaa kuwa lacagaha baadda ah ka qaado dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmadaas, waxaana murtadkaas magaciisa lagu soo koobay Lo’leey.