Isku soo baxyo ballaaran oo ka dhan ah heshiiskii xaaraanta ahaa ee nasaarada xabashida Itoobiya lagu siiyay qaybo ka mid ah xeebaha Soomaaliya, ayaa ka dhacay deegaanno hoostaga degmada Jannaale ee wilaayada islaamiga ah ee Sh/hoose, halkaas oo ay isugu soo baxeen boqollaal ka mid ah bulshada muslimiinta.
Dadka isku soo baxyada ka dhigay deegaannada dhaca duleedka degmada Janaale ayaa watay boorar kala duwan oo ay ku qoran yihiin halku dhigyo ka dhan ah heshiiskii burcadnimada ahaa Muuse Amxaar uu nasaarada xabashida kaga iibsaday xeebaha Soomaaliya.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.