Beesha Sade oo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee sida aadka ah u taageera Jihaadka ka socda Soomaaliya ayaa Mujaahidiinta ku wareejiyay boqol geela oo cagahooda ku socda, geelaas oo ay ugu talo galeen Mujaahidiinta ku sugan furimaha dagaalka ee difaaca u ah Muslimiinta.
Sida ay Nabadoonada beeshu ay goobta ka sheegeen geelan waxa bixiyay beesha sade, gaar ahaan qaybta dega wilaayada Jubbooyinka, waana markii labaad bil gadaheed ee beesha Sade ay bixiso geel tiro badan sida ay xuseen nabadoonadu boqol geela oo hore ayay ku bixiyeen gobolka Gedo.
Qabaa’ilka daga wilaayaadka Islaamiga ah ayaa bilihii u dambeeyay tartan ugu jiray bixinta xoolaha nool ee ay ku wareerjinayaan Mujaahidiinta, waxana jira beelo aad u badan oo xoolo badan wareejiyay, waxayna ku tusaysaa sida qabaa’ilku ay u jecelyihiin difaaca kitaabka Ilaahay.
Halkan ka dhagayso Warbixinta Idaacadda
Hoos Ka Daawo Sawirada