Mujaahidiinta jamaacada Nusratul islaam wal-muslimiin ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgalka nowciga ah ee ciidamada Inqimaasiyiinta mujaahidiinta ay ku qaadeen garoonka millatariga ee sida aadka ah loo ilaaliyo amaankiisa ee kuyaal magaalada Bomako ee caasimadda u ah dalka Maali.
Warsaxaafadeed ay faafisay mu’assasada Alzallaaqah ayaa lagu sheegay in howlgal Inghimaasi ah oo qaatay mudo sagaal saacadood ah ay ciidamada mujaahidiintu ku galeen saldhigga ciidamada cirka ee Mudibu kayta ee caalamiga iyo akadeemiyada tabobarka ciidamada Maali ee lagu magacaabo Falaaji ee kuyaal caasimadda Maali ee Bomako.
Howlgalkan waxay ciidamada mujaahidiintu shaaciyeen inay Allah fadligiis ku dileen sidoo kalena ku dhaawaceen boqollaal askari oo murtadiinta Maali ka tirsan, waxaa mujaahidiinta Inghimaasiyiinta ah u suuragashay inay gabi ahaanba burburiyaan lix diyaaradood oo kuwa millatariga ah oo ay ka mid tahay diyaarad nooca kuwa aan duuliyaha lahayn, 4 diyaaradood oo kale ayay qayb ahaan u burburiyeen ciidamada mujaahidiinta, waxay sidoo kale si dhamaystiran u gubeen tobannaan gaadiid ah oo ay ku jiraan kuwa gaashaaman iyo saanad millatari oo xooggan oo gudaha goobaha la beegsaday yiillay.
Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in dhowr iyo toban mujaahidiin iqimaasiyiin ah ay ka qayb qaateen howlgalka, waxayna jamaacada Nusratul islaam sheegtay in weerarka uu ahaa mid loogu aargudayay dadka muslimiinta ah ee ay xasuuqyada ku hayaan murtadiinta Maali iyo murtazaqada Ruushka ee Faagnar.
Mu’assasada Al-zallaqah waxay sidoo kale faafisay sawirrada ciidanka mujaahidiinta ee ka qayb qaatay howlgalka nowciga ah, waliba iyaga oo ku sugan dhismeyaasha ay beegsadeen, waana mid ka mid ah howlgallada fariidka ah ee lagu beegsanayo murtadiinta Maali.
Hoos Ka Akhriso Bayaanka Iyo Sawirrada Howlgalka Iyo Ragga Inghimaasiyiinta Ah.