Xogo faahfaahsan ayaa kasoo baxaya weerar dhabbagal ah oo aad u xooggan oo ciidamo ka tirsan mujaahidiinta Al-qaaciddada Maali ay la beegsadeen kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan murtazaqada saliibiyiinta Ruushka.
Weerarka ayaa si gaar ah kaga dhacay inta u dhaxayso magaalooyinka Bankas iyo Bandjagara ee dalka Maali, waxaana kamiinka oo ahaa mid si wayn loo agaasimay murtazaqada Ruushka ee Fagnar looga dilay 7 askari.
Bayaan-saxaafadeed kasoo baxay mujaahidiinta jamaacada Nusratul islaam wal-muslimiin ayaa sidoo kale la xaqiijiyay in weerarkaasi lagu soo qaniimeystay qori Dhashiike ah, qori BKM ah, shan qori oo nooca AK47 ah, sanaadiiq hub ah iyo agabyo kale oo kuwa ciidanka ah.
Mu’assasada Al-zallaaqah oo ah garabka warbaahineed ee jamaacada Nusratul islaam wal-muslimiin waxay dhankeeda faafisay sawirro kala duwan oo maydaani ah oo laga soo qaaday goobta dagaalka, waxaana lagu arki karaa muuqaallada lasoo bandhigay maydad is dhinac yaal oo ka tirsan murtazaqada saliibiyiinta ah ee Ruushka, hub iyo rassaas iyo agabyo ciidan oo lasoo qaniimeystay.