Kumanaan ka mid ah bulshada muslimiinta ah ee ku dhaqan degmada Jilib ee wilaayada islaamiga Jubooyinka ayaa maanta isugu soo baxay fagaaraha wayn ee ash-shahiid Macallin Aadan Xaashi Ceyrow, si ay halkaasi ugu muujiyaan dareenkooda ku aadan inay kasoo horjeedaan heshiiskii xaaraanta ahaa ee xabashida Itoobiya lagu siiyay qaybo ka mid ah xeebaha Soomaaliya.
Fagaaraha uu isku soo baxa ka dhacay waxaa isugu yimid culimo, masuuliyiin, waxgarad, haween iyo caruur, kuwaas oo si isku mid ah u muujiyay sida ay uga soo horjeedaan heshiiska uu Muuse Axmaar xabashida Itoobiya ku siiyay 20 Km oo ka mid ah badda Soomaaliya, waxaana isku soo baxa uu watay halku dhigyo iyo shicaaraad kala duwan oo ay ka mid ah tahay Gardarrada xabashida gowrac baa u daawo Ah, iyo halku dhigyo kale oo lagu difaacyo kacbada.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.