Sida aad sawirrada ku aragtaan looma kala harin diyaar garowga qabaa’ilku ay ugu diyaar garoobayaan ka hortagga cadowga oo maalmihii u dambeeyay si dardar leh wilaayaadka islaamiga ah uga socday.
Markanna waxa idiin muuqdaa waa beesha Wacaysle ee degta wilaayada Galgaduud oo iyaguna hubkoodii la soo baxay, waxayna wacad ku mareen in dhulka ay dagaan ay ka difaaci doonaan gaalada iyo macawislayda, mujaahidiintana ay garab siin doonaan.
Wajiyada idiin muuqdaa maaha macawislay inta jaad laga soo dharjiyay lagu yiri waxad dhahdaan waxan nahay shacab la dagaalamaya mujaahidiinta, dadkani waa odayaashii qabaa’ilka hogaaminayay iyo dadkii ay hoggaanka u ahaayeen, Iftiin ayaana wajiyadooda ka muuqda.
Codadkana waan idiin soo gudbin doonaa insha’allaah.