Ciidamada maamulka Yahuudda ee xasuuqa bahalnimada ah ka wada jihooyinka kala duwan ee marinka, ayaa soo saaray amar ah in dadka Falastiiniyiinta ah ay ka baxaan barxadaha cisbitaalka Shuhadada Al-aqsaa ee ay dadku kusoo barakaceen, kaas oo kuyaal Dayrul-balax oo ah magaalo dhacda bartamaha marinka Gaza.
Amarka kasoo baxay maamulka gumeystaha ayaa kor u qaaday cabsida kumannaan kun oo qof oo Falastiiniyiin ah oo cisbitaalka deegaan uu yahay, sidoo kale waxay cabsida ugu daran xilligan soo wajahday bukaannada cisbitaalka jiifa.
Inta badan shaqaalaha caafimaadka ee ka howlgala cisbitaalkan ayaa door biday inay sii joogaan oo ay u adeegaan dhaawacyada barakacayaasha Falastiiniyiinta ah, sawirro gudaha cisbitaalkaan laga soo qaaday ayaa muujinayay sida uu u haawanayo cisbitaalka.
Waxa xusid mudan in cisbitaalka Shuhadada Al-Aqsa uu yahay midka kaliya ee kuyaal bartamaha marinka Gaza, mana jirto cisbitaal kale oo hadda u adeega in ka badan hal milyan oo qof, kuwaas oo intooda badan ku barakacay sidoo kalena ku dhaawacmay duqaymaha Yahuudda.
Hoos Ka Daawo Xaaladda Cisbitaalka Shuhadada Al-aqsaa.