Kumanaan muslimiin ah oo caraysan ayaa maanta dab qabadsiiyay dhismaha safaaradda dowladda saliibiyadda ah ee Sweden ay ku leedahay magaalada Baqdaad ee caasimadda Ciraaq, kaddib markii ay gaalkii xagjirka ahaa ee dhowaan gubay nuskho ka mid ah Qur’aanka kariimka uu markale shaaciyay inuu gubi doono.
Warbaahinta maxalliga ah ee ka howlgasha Ciraaq ayaa soo tabisay in kumanaan muslimiin ah oo aad u caraysan ay weerar ku galeen gudaha dhismaha safaaradda, ka dibna ay dab qabadsiiyeen, sida laga dheehan karo muuqaallo iyo sawirro lagu faafiyay mareegaha Internet-ka.
Ciidamada booliska Ciraaq ayaa isku dayay inay is hortaag ku sameeyaan dadka dibadbaxayaasha ah ee xoogga ku galay dhismaha safaaradda, balse waay ku guuldarraysteen qorshahaas, kaddib markii dab la gubay dhismaha.
Toddobaadyo ka hor ayay ahayd markii boqollaal qof oo Ciraaqiyiin ah ay weerar ku qaadeen xaruntan, waxayna tan qayb ka tahay jawaab celinnada ay muslimiintu ka bixinayaan falkii uu nin gaal ah oo u dhashay dalka Ciraaq uu ku gubay nuskho ka mid ah Qur’aanka kariimka, ka dib markii uu fasax kaga helay dowladda Sweden.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.