Mudaharaadyo waaweyn oo halkudhiggoodu yahay “maalintii difaaca qur’aanka” laguna gubay calanka Isweden ayaa ka dhacay waddanka Pakistan.
Kumannaan Paakistaaniyiin ah ayaa isugu soo baxay magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan dalkaasi Baakistaan, iyagoo ka dhiidhinaya gubitaan musxafka Qu’aanka oo bishii tagtay lagu gubay waddanka Sweden, dadka isku soo baxyada dhigayay ayaa gubay calanka Sweden, iyagoo sidoo kalena kabaha la dulmaray.
Mudaaharaadeyaasha ayaa ku dhawaaqayay “Qur’aanku waa lama taabtaan”, waxayna ka dalbadeen in dowladda Pakistan ay xiriirka u jarto Sweden, sidoo kalena ay ceyriso safiirkeeda.
28-ka bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii nin Ciraaqi ah oo qoxooti ku ah waddanka Sweden, magaciisuna yahay “Salwaan Muumiika” uu gubay nuskho ka mid ah musxafka Shariifka ah, jariimadaan ayuu ka hor gaystay masaajid weyn oo ku yaala magaalada stockholm maalmihii ciida, kaddib markii uu fasax ka helay dowlada Sweden.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.