Kadib xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay oo ka dhacday degmada Ceeldheer ee gobolka Galguduud ayaa xarigga looga jaray isbitaalka guud ee degmadaas oo muddo bila ah xirnaa.
Isbitaalka oo sanadadii lasoo dhaafay shaqeynayay ayaa dib loo howlgelinayay si heer sare ah ayaana loo qalabeeyay.
Agaasimaha Isbitaalka guud ee degmada Ceeldheer ayaa sheegay in qalab casri ah lagusoo kordhiyay isbitaalka sida Kumbiyuutarro islamarkaana ay ka howlgeli doonaan dhaqaatiir aqoon sare leh.
Halkan Hoose Ka Daawo Sawirrada.