Si la mid ah degmooyinka kale ee wilaayaadka islaamiga ah, waxay bulshada muslimiinta ah ee ku dhaqan degmada Tiyeeglow ee wilaayada islaamiga Bakool dhigeen isku soo baxyo waawayn oo lagu diidan yahay heshiiskii xaaraanta ahaa ee uu murtad Muuse Axmaar nasaarada xabashida ku siiyay qaybo ka mid ah xeebaha Somalia.
Dadka reer Tiyeeglow iyo maamulkooda islaamiga ah ayaa ka dhiidhiyay tallaabadaasi xaaraanta ah, waxayna isugu soo baxeen waddooyinka iyo fagaareyaasha magaalada, si ay dareenkooda ugu biiriyaan dadka Soomaaliyeed ee sida adag u diiday heshiiskaasi baadhilka ah, waxaana sawirradan hoose laga dheehan karaa bulshada reer Tiyeeglow oo wata boorar waawayn oo ay ku qoranyihiin halku dhigyo ka dhan ah doonista xabashida ee khayraadka muslimiinta.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.