Inka badan 2 Milyan oo Xujayda Bayt-ka Alle ayaa maanta u dareeray Banka Carafo, si ay u gutaan rukniga ugu weyn ee acmaasha xajka, maanta oo Talaado ah oo ku beegan 9-ka bisha Dul-Xijjah sannadka 1444 Hijri.
Martida Raxmaanku waxay maanta isugu imaanayaan Banka Carafo ama Carafaad, halkaas oo ay ku gudan doonaan rukniga ugu wayn ee acmaasha xajka, ma jiro waxay ku kala duwan yihiin Carab iyo Cajam, illaa cabsida alle mooyee, waxay maalintan khayrka badan badinayaan ducada, iyagoo rajaynaya naxariista Allaah.
Waxaa lagu wadaa in xujeyda bayt-ka Alle ay ku tukadaan banka Carafa salaadaha duhur iyo Casar, iyago isku daraya oo waliba gaabinaya, isla markaana dhageystaan khudbada Carafa ee laga jeedin doono masjidka Namra, waxayna sii wadan doonaan ducadooda ka hor inta aysan u jihaysan Muzdalifa marka ay qorraxdu dhacayso maanta, halkaas oo ay kusoo qaadan doonaan habeenkooda, waxayna kasoo uruurin doonaan dhagxaanta Jamaraatka.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Xujayda Oo U Dareeray Carafaad.