Ciidamada mujaahidiinta u gargaaridda islaamka iyo muslimiinta ayaa weerar xooggan oo dhabba-gal ah u dhigay maleeshiyaad ka tirsan dowladda Toogo, kuwaas oo marayay meel u dhow soohdin beenaadka u dhaxeeya Burkiina Faaso iyo Toogo.
Ugu yaraan 12 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Riddada ah ee Toogo ayaa lagu dilay weerarkaaas dhabagal ah oo ay dhigeen mujaahidiinta Nusratul Islaam Walmuslimiin, xili kolonyadaasi ay marayeen deeganka Sambaari ee dhaca xuduud beenaadka ay wadaagaan waddamada Burkiina Faaso iyo Toogo.
Weerarkan Kamiinka ah waxay sidoo kale mujaahidiintu ku soo furteen 3 gaari, 3 dhashiike, 1 qori oo RBG , 15 Ak47 iyo agabyo kale, weerarkan jid-galka ah ayaana dhacay Isniinta oo ay taariikhdu ku beegnayd 29-kii Dul-xijjah.
Mu’asasada Al-zallaqa oo ah garabka warbaahineed ee mujaahidiinta u gargaaridda islaamka iyo muslimiinta ayaa baahiyay sawirrada qanaa’imtii ay mujahidiintu kusoo furteen weerarkan barakeysan.
Dhanka kale mujaahidiinta Nusratul islaam Wal muslimiin ayaa weerar xooggan oo dhabagal ah u dhigay kolonyo ka tirsan ciidanka Maali, xilli ay marayeen deegaanka Naara ee gobolka Kooliikoora, bayaan kasoo baxay mujaahidiinta ayaa lagu sheegay in mujaahidiinta ay dib ka soo gudbin doonaan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay kamiinkan.
Hoos Ka Daawo Xogta Iyo Sawirrada Qanaa’imta.