Ciidamada murtazaqada saliibiyiinta Ruushka ee Faagnar iyo maleeshiyaadka dowladda Riddada ah ee Maali, ayaa dad shacab ah ku dilay qaybo ka mid ah dalkaasi, halkaas oo ay ku beegsadeen rayid aan waxba galabsan.
Mujaahidiinta jamaacada Nusratul islaam wal-muslimiin ayaa bayaan muhiim ah oo ay soo saareen si adag ugu cambaareeyay falkaan wuxuushnimada ah ee ka dhacay tuulada Tankuuli ee dalka Maali.
Ciidanka Maali iyo murtazaqada Ruushku waxay si naxariis drro ah oo bareer ah u dileen laba qof oo muslimiin ah, kuwaas oo ka mid ahaa dadka rayidka ah ee ku dhaqan tuulada la weeraray.
Waxay sidoo kale burburiyeen oo ay gubeen guryo ay leeyihiin dad shacab ah oo aan waxba galabsan, sawirro ay faafisay mu’assasada Al-zllaqa ayaa lagu soo bandhigay guryaha ay gubeen ciidamadan huwanta ah.
Warsaxaafadeedka kasoo baxay mujaahidiinta Nusratul islam wal-muslimiin ayaa lagu sheegay in weerarkan uu qayb ka yahay silsilado weeraro dhowr ah oo isir sifayn ah, kuwaas oo murtazaqada Ruushka iyo maleeshiyadooda murtadiinta ah ee Maali ku hayaan dadka shacabka ah, waxayna si joogta ah uga dhacaan koonfurta iyo waqooyiga Maali.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.