Degmada Tiyeeglow ee xarunta wilaayada islaamiga ah ee Bakool waxaa si wayn looga damaashaaday munaasabada ciidul adxaa oo ka mid ah ciidaha ay leeyihiin dadka muslimiinta ah, boqollaal ka mid ah dadka deegaanka iyo kuwa kale oo ka yimid banaanka magaalada ayaa shalay iyo maantaba u dabaal-dagaya munaasabadda ciidda.
Fagaaraha wayn ee degmada waxaa ka dhacay fantasiye cajiib ah oo qayb ka ah munaasabadda ciidda halkaas oo ay isugu yimaadeen boqollaal qof oo isugu jiray rag dumar iyo caruur ku labisan dhar kala duwan oo qurux badan sidoo kalena waafaqsan shareecada islaamka, waxaana fagaaraha lagu soo bandhigay bandhigyo cajiib ah oo kala duwan.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Damaashaadka Ciidda Iyo Tiyeeglow.