Maktabka tarbiyada iyo tacliinta wilaayada Jubbooyinka ayaa 13-kii safar ee sannadkan aynu ku jirno ee 1444, waxa uu ku dhawaaqay xamlo tacliimi ah oo lagu dardar gelinayo waxbarashada ka socota madaarista iyo macaahidda ka furan wilaayada.
Waxa xamlada hormuud u ahaa Guddi ka kooban dhowr xubnood kuwaas oosocdaal qaatay inka badan muddo bil ah kusoo maray dhammaan degmooyinka iyo deegaannada wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka iyagoona degmo kasta laga qabanayay howlo shaqo oo qayb ka ah xamladan.
Xamladan oo magac looga dhigay Macan Naxwal Cilmi Wal macrifah ayaa wada gaartay inta badan degmooyinka wilaayada Jubbooyinka, waxa lagu daah furay oo laga bilaabay degmada Bu’aale.
Idaacadda Andalus oo qayb ka ahayd xamladan ayaa makafarafoonka iyo kaamaradda u qaabilsanayd lajnada, Waxan halkan aan idiinku soo gudbin doonaa degmo kasta iyo warbixinadii ay ka diyaarisay idaacaddu.
Waxan ku bilaabi doonaa warbixin horudhac ah iyo warbixinta waxbarashada Degmada Bu’aale, halkan hoose labadoodaba ka dhagayso.
Horudhaca Warbixinada Tacliinta Madaarista W. Jubbooyinka.
Xamlada Tacliinta Madaarista W. Jubbooyinka (Degmada Bu’aale)
Hoos Ka Daawo Sawirrada Waxbarashada Bu’aale.